Beesha Silcis Gorgaate oo caleema saaratay Suldaan iyo Ugaas


Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu caleema saarayey Ugaaska iyo Suldaanka beesha Silcis Gorgaate ayaa ka dhacday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxaana munasaabadda caleema duubabka beesha soo xaadiray madax-dhaqameed fara badan oo xushmad ku leh dalka Soomaaliya.

 Munaasabadda lagu caleema saarayay Ugaaska iyo Suldaanka beesha Silcis Gorgaarte waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ah, xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, shaqsiyaad caan ah, mas’uuliyiin kala duwan, qaar ka mid ah duubabka beelaha Soomaaliyeed, Culumaa’udiin, Dhallinyaro, Haween iyo dadweyne fara badan.

Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow oo ku hadlayay magaca dhaqanka beelaha Hawiye oo qudbad halkaasi ka jeediyay ayaa ugu horreyntii taageeray duubabka ay caleema saarteen beesha Silcis Gorgaate, kaddibna wuxuu ka hadlay taariikhda beesha oo uu ku sheegay inay ka mid tahay beelaha faca weyn ee taariikhda ku leh beelaha Hawiye iyo beelaha Soomaaliyeed dhexdooda.

Sidoo kale waxaa halkaasi isna khudbad ka jeediyay Xildhibaan Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca beesha Daarood, wuxuuna sheegay inay ayideen caleema saarka duubabka beesha Silcis ee xafladeeda maanta loo fadhiyo, isagoona sheegay in tallaabada beesha Silcis ay tahay mid ku dayasho, bacdamaa ay isku waafaqeen ugaaska iyo Suldaankii hoggaaminayay.

Xildhibaan Xaaji Shukri oo ah mudanaha ugu da’da weyn Golaha Baarlamaanka KMG ah kana soo jeeda beesha Wadalaan Gorgaate oo walaal la ah beesha Silcis Gorgaate ayaa sheegay in beeshiisa iyo beesha Silcis Gorgaate ay yihiin dad walaalo ah oo muddo qarniyaal ah isla degenaa, wuxuuna soo dhoweeyay caleema saarka beesha Silcis Gorgaate ay ku duubteen Ugaaska iyo Suldaanka dhinaca dhaqanka.

Dhinaca kale beesha Silcis Gorgaate ayaa Suldaan u dooratay Xildhibaan Maxamed Aweys Axmed, sidoo kale waxay beeshu Ugaas u dooratay Xuseen Maxamed Daa’uud, iyadoo labada xubnood ee la doortay uu cimaamado guddoonsiiyay Sii hayaha xilka Imaamka Maxamed Cabdi Yuusuf.

Sii hayaha Imaamka beesha Muddulood iyo beelaha Hiraab Islow Maxamed Cabdi Yuusuf oo halkaasi qudbad ka jeediyay waxa uu kula dardaarmay Ugaaska iyo Suldaanka beesha Silcis Gorgaate inay la yimaadaan caddaalad, taasi oo uu sheegay inay ku kasban karaan beesha ay duubka u yihiin, wuxuuna soo dhoweeyay caleema saarka beesha Silcis ay manta ku dooratay odayaasheeda dhaqanka hoggaaminaya.


Goor dhow filo sawirrada munaasabadda



Add New Comment