Ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa soo gaaray
gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayadoo Ciidammadanna ay qeyb ka yihiin
ku dhowaad kun askari oo ka tirsan AMISOM oo loo qorsheeyey iney gobolkaasi
sugaan amnigiisa.
Ciidammadan oo ah kuwo si aad ah u hubeysan ayaa gobolka Hiiraan kasoo galay
dhanka xuduuda Ethiopia ayagoo markoodii horena safar dhanka dhulka ah oo ay
Jabuuti ugasoo ambabaxeen kusoo maray Ethiopia.
Tirada Ciidammadan cusub ee gaaray gobolka Hiiraan ayaa waxa ay yihiin 300
Askari waxaana ay wataan taangiyo ilaa 60 gaaraya sida ay xaqiijiyeen saraakiil
ka tirsan Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM.
Gobolka Hiiraan waxaa horey ugu sugnaa boqolaal askari oo ka tirsan AMISOM
islamarkaana ka yimid dalka Jabuuti ayadoo qorshuhuna yahay iney Ciidammadan
amniga gobolkaasi kala wareegaan kuwa dalka Ethiopia oo markii hore Ciidammada
Qalabka Sida ee Soomaaliya gacan ku siiyey in deegaanno iyo degmooyin ka tirsan
bartamaha Dalkeenna laga xoreeyo Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa iyagu horey usoo dhaweeyey in Ciidammo
ka socda Dalka Jabuuti ay deegaannada gobolkaasi ka howlgalaan ayadoo ay sidoo
kale dadku wada xusuustaan gurmadkii ay Ciidammada dalka Jabuuti u fidiyeen
dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle todobaadyo ka hor.