Dowladda oo mar kale dalbatay in xayiraadda hubka laga qaado


Sii-hayaha xilka Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Max’ed Cali Catoosh oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka codsaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in xiyaaradda hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado, maadaama dalka uu galay isbadal cusub.

Catoosh ayaa tilmaamay in Dowladdii Kumeelgaar aheyd laga baxay iyo dhibaatooinkii jiray, haddii iminka Dowladda Soomaaliyana laga qaado cunna-qabateynta hubka saaran ay awood u leedahay qaadida Mas’uuliyadda hubkaasi.

Sidoo kale Max’ed Cali Catoosh ayaa waxa uu tilmaamay in hubka hadda gacanta uga jira dadka shacabka ah ay sabab u tahay burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee dalka ka jirtay muddo sanado ka hor, wuxuuna carabka ku dhuftay in dhibaatooyin farabadan laga dhexgalay hubkii ay ka tagtay Dowladdaasi, hase ahaatee Dowladda cusub haddii loogu deeqo hub ay maareyn doonto isticmaalkeeda.

“Hubka hadda shacabka gacanta uga jira waa hubkii dowladdii dhexe, dhibaatooyin badan ayaa laga dhaxlay, annaga Mas’uuliyadda anagaa qaadayna haddii cunna-qabteynta nagala qaado” sidaasi waxaa yiri Max’ed Cali Catoosh.

Shalay ayay aheyd markii Ururka Midowga Afrika uu ka codsaday Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in hubka xayiradda saaran laga qaado Soomaaliya, maadaama Dowladda ay tahay mid aan kumeel gaar aheyn.


Add New Comment