Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul-adhxaa u diray dhamaan muslimiinta,gaarahaan soomaalidda meel kasta oo ay ka joogaan caalamka.
Madaxweyen Xasan Sheekh ayaa yiri Hambalyo,Hambalyo,Hambalyo dhamaan soomaalidda meel kasta oo ay ku soo dhaweynayaan maalintan muhiimka ku ah nolosheena.
Madaxweynaha ayaa dadka soomaaliyeed ugu baaqay in ay maalmaha ciida xasuustaan dariskooda iyo dadka danyarta ah si ay wada jir ugu dabaal dagaan munaasabadda ciidul-adxaa.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay soomaalida in ay caruurtooda xasuusiyaan munaasabadda ciida si loo xaqiijiyo in dhamaan caruurta soomaaliyeed ay si farxad leh ku cidaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay muslimiinta waajibaadka xajka ku gudanaya Makka iyo Madina in ay soo dhameystaan waajibaadka xajka,si ilaaheey uga abaal mariyo,waxana madaxweyuhu uu u rajeeyay xujeyda in ilaaheey uu ka aqbalo ducadooda.
Madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhamaan soomaalidda in ay isku muujiyaan is tixgalin iyo dul qaad,isagoo ku dhiiri galiyay in ay garbaha is qabsadaan ayna dib u dhisaan dalka,si uu dalku u helo nabad iyo deganaasho.