Qarax maanta ka Dhacay Addis Ababa

 
Dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay arrimaha ku saabsan qarax maanta ka dhacay magaala-madaxda dalkaasi ee Addis Ababa, qaraxaasoo sida la sheegay ay ku geeriyoodeen ugu yaraan laba qof oo wararka qaar ay sheegayaan in ay ahaayeen Soomaali.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Bole oo ah meesha Soomaalida ugu tirada badan ka deggan yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, si cadna weli looma hayo cidda ka dambeysa.
 
Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in qaraxani ay suurtagal tahay in ay ku lug leeyihiin jabhado ka soo horjeeda dowladda Ethiopia iyo Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya ee deriska la ah Ethiopia, maalmo yar uun ka horna weerar ka geysatay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
 
Dhinaca Al-Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin arrimaha ku saabsan qaraxan

Add New Comment