Madaxweyne Sheekh Shariif oo magacaabay ra'iisul-wasaare cusub


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sooomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay magaca ra'iisul-wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).Wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay magaalada Muqdisho,wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-dii iyo 2000,waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka,Wuxuuna ka soo jeedaa beesha MAREEXAAN — DAAROOD kuwa dega gobolka Gedo iyo waqooyiga Galgaduud .

Magacaabista ra'iisul-wasaaraha cusub ayaa timid kaddib markii uu dhowaan is casilay ra'iisul-wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo muddooyinkii ugu dambeeyey uu qilaaf xooggan kala dhexeeyey madaxweyne Sheekh Shariif.Wararka ku saabsan shaqsiyadda ra'iisul-wasaaraha cusub kala socda shabakadda wararka www.SilGor.com .

Add New Comment