Kulan uu shir-guddoominayey ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ay ka soo qayb galeen hay'adaha ku shaqada leh ammaanka ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Xubnaha shirka ka qaybgalay oo isugu jiray wasiiro iyo saraakiisha qaybaha ciidamada ayaa loogaga hadlay sida loo adkeyn karo ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho, isla mar ahaantaana loo dardar-gelin karo howlgallada ka dhanka ah kuwa diiddan nabadda.
Doodo dhaadheer iyo fikrado laysku weydaarsaday shirka kaddib ayaa waxa saxaafadda la hadlay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cabdixakiim Daahir Saacid, asagoona si aad ah uga warbixiyey arrimihii intii uu shirku socday laysla gartay.
“Kulanka waxaa looga hadlay arrimo quseeya amniga dalka guud ahaan gaar ahaan caasimada Muqdisho oo intii mudo ah ay ciidamada amaanku ka wadeen howlgalo la xiriira amaanka hadana ciidamadu waxaa ay sii wadi doonaan howlgalada’’ Sadaasi waxaa yiri taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Saacid.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa taliyaha Boolisku inta ku daray in la isku afgartay in la sii dardargeliyo howlgalada ay ciidamada ammaanku ka wadaan magaalada Muqdisho si meesha looga saaro fal kasta oo ka dhan ah nabadgelyada.
Jeneraal Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in go’aan laga gaaray dadka heysta hubka sharcidarada ah, wuxuuna xusay in ciidamada la siindoono dares gaar ah loona sameyndoono aqoonsi.