Heshiiskan oo ku kacayaa lacag ka badan 30 Milyan oo doollar oo ay kala saxiixdeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay Bankiga horumarinta Islaamka ayaa waxaa Xukuumadda soomaaliya u saxiixay wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada Drs Maryan Qaasim Axmed,Wasiirka Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed iyo wasiiru dowlaha Maaliyadda.
Kala saxiixidda heshiiska ka ddib ayaa wasiirka horumarinta Adeegga Bulshada Soomaaliya Dr Maryam Qaasim Axmed waxa ay warfiyeennada u sheegtay in heshiiska ay la galeen bankiga horumarinta Islaamka uu yahay deeq Dhaqaale oo wax looga qaban doono arrimaha Waxbarashada Biyaha iyo kobcinta Dhaqaalaha.
Khaliil Al-Naxwi oo ah la taliyaha madaxa Bankiga Islaamka ayaa sheegay in Yahooba Dhaqaale ee ay Soomaaliya siiyeen uu yahay mid aan halkan ku ekaan doonin, caawimaddoodana ay sii wadayaan.
Sidoo kale wasiirka Kheyraadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay ahmiyadweyn uu u leeyahay yabooha Dhaqaale ee Bankiga horumarinta Islaamka, loona kala qeybiyey Waxbarashada Dhaqaalaha iyo Biyaha, waxana uu u mahadceliyey Bankiga horumarinta Islaamka.
Wasiirka Kheyraadka ayaa sheegay in 18 milyan oo ka mid ah lacagta ceelal looga qodi doono guud ahaan dalka,halka 8 milyan oo ka mid ah lacagtana wax looga qaban doono waxbarashada.
Heshiiskan ayaa daba socda heshiis uu horey magaalada Jeddah uga soo saxiisay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dalka Sacuudiga safar shaqo ku tagay, iyadoo Baahida lacagta la kala saxiixday ay gudbiyeen wasaaradaha ay quseyso arrintaasi, sida adeegga bulshada, Kheyraadka iyo Maaliyadda.