Dowlada Ukraine ayaa waxa ay xeebaha Soomaaliya u soo dirtay markab dagaal kaas oo ku biiraya Howlgalka la dagaalanka burcad-badeedda Soomaalida ah ee ka qowlaysata xeebaha dalka Soomaaliya.
Howlagalka ka dhanka ah Burcad badeeda Soomaalida ah ee laga wado Biyaha Soomaaliya ilaa iyo Sanadkii 2009 ayaa waxa uu noqonyaa markii ugu horaysay ay dowlada Ukraine ay ku soo Biirto Howlagalkaasi.
Xoghaya Gaashaan buurta NATO Anders Fogh Rasmussen ayaa sheegay in Ururka NATO ay si diiran u soo dhawaynayaan ku biiritaanka howlgalka ka dhanka ah Burcad badeeda Soomaalida ah ee ay ku soo biirtay dowlada Ukraine .
NATO ayaa waxa ay sheegtay in talaabada dowlada Ukraine ay ugu soo biirtay howlgalka lagaga hortagayo Burcad badeeda Soomaalida uu yahay mid muhiim ah loona baahanyahay in lala dagaalamo burcad badeeda afduubyada u gaysanayasa Maraakiibta Shixnadaha kala duwan sida ee isticmaasha Biyaha Soomaaliya.
Biyaha Soomaaliya ayaa waxa ku sugan Maraakiib shisheeye oo ka wada waxa ay ugu yeereen la dagaalanka iyo ka hortagida khataraha Burcad badeeda Soomaalida ah.