Sida Guddoonka Baarlamaanka oo horey u iclaamiyey Ajandaha fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxa uu ahaa in Mudaneyaasha Baarlamaanku ay qodob qodob u ansixiyaan wax ka bedel lagu sameynayo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, balse soo jeedinta xildhibaannada Baarlamaanka awgeed ayaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shirka Gudoominayey waxa ajandaha loo bedelay iney Xildhibaannadu ka doodaan xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo wax ka bedelkiisa.
Inkastoo qodobada ay gudiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka soo jeediyeen in wax la bedello ay badnaayeen hadana Mudaneyaasha Baarlamaanku waxay si gaar ah uga doodeen qodobbada 9aad iyo 84aad ee Xoor Hoosaadka oo ku kala saabsan xil waayidda Gudoonka Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen, taasi oo ay intii badneyd Xildhibaannadii goobta ka hadlay ay si aad ah uga soo horjeesteen in wax laga bedelo iyo qodobka 84aad oo isna ku saabsan wax ka bedelka Xeer Hoosaadka, waloow ay sidoo kale Xildhibaannadu ka doodeen wax ka bedelka mudada mooshinka laga keeni karo Xukuumaddu, taasi oo iyana Xildhibaannadu badankood adkeeyeen in loo daayo sideedii hore oo ah Lixdii Biloodba mar.
Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo fadhigii Baarlamaanka ee maanta soo xiray ayaa gebagebadii ku wargeliyey Mudaneyaasha Baarlamaanka in ka doodida xeer hoosaadka lasii amba qaadi doono maalinnimada berrito ah qeybta hore ee Kulanka, halka kulankaasi qeybtiisa dambana looga hadli doono heshiiska shirkadda FAVORI loogu wareejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, ayadoo Wasiirka ay howshaasi quseysana uu hor imaan doono Golaha Shacabka.
Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo ah midka lagu hagayo shaqada Baarlamaanka ayaa ka kooban 87qodob, waxaana diyaarintiisa ay qaadatay mudo aad u tirabadan, mana sahlana in wax ka bedelkiisa ay fududaato waana taa sababta keentay in dooda Baarlamaanka ee maanta ay aad u dheeraato.