Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa Madaxtooyada (Villa Somalia) ku qaabilay wafdi ka socda dalka Koonfur Afrika oo booqasho ku yimid magaalda Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdiga reer Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo ergayga dalkaasi u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa Mr. Charles Ukakura ayaa yeeshay shir albaabadu u xiran yihiin oo ay kaga wada hadleen arrimo fara badan oo ku saabsan xiriirka labada dal, ammaanka Soomaaliya iyo xaaladda abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Mr. Akakura oo kulankii uu madaxweyne Shariif la yeeshay kaddib saxaafadda u warramay ayaa sheegay in uu madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyey farriin uu ka waday madaxweynaha Koonfur Afrika Mr. Jacob Zuma, farriintaasoo uu sheegay inay tahay mid gaar ah oo u dhexeysa labada madaxweyne iyo in uusan dooneyn inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo.
Dalka Koonfur Afrika oo ah kan ugu awoodda badan dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxayna dowladda dalkaasi in badan ka hadashay dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya muddada 20-ka sano ka badan