Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu
hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu
ka qeyb galay munaasabada xusayay 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka
Uganda.
Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku
wehliyay Taliyaha ciidanka XSD General C/qaadir Sheekh Cali Diin, agaasimaha
hay’adda nabad sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee
Muqdisho ku soo dhoweyay R/wasaaraha Xukumadda KMG ah, R/wasaaraha cusub,
Wasiiro, Xildhibaano iyo shacab aad u badan.
Madaxweyne Xasan ayaa markii uu garoonka ka soo dagay salaan sharaf ka
qaatay ciidamada, iyadoona ciidamada baambeyda ay u garaacyeen astaanta
Jamhuuriyadda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxaafadda kula hadlay gudaha Garoonka isagoona ka
warbixyay safarkiisa waxa uuna tilmaamay Madaxweynaha in uu ka qeyb galay
munaasabad lagu xusayay 50 guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada
dowladda Uganda ka qaadatay Ingiriiska taas oo ay ka soo wareegtay 50 sano.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in uu kulan la qaatay dhigiisa
dalkaasi Yuweri Musafani waxa ayna labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta
xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka maleeshiyada
shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in uu kulamo gooni gooni ah
uu la soo qaatay Madax ka tirsan beesha caalamka kuwaas oo ka qeyb galayay
munaasabadaasi waxaana ka mid ahaa Madaxdii uu kulanka la qaatay Madaxweynaha
dalka Kenya Mwai Kibaabi iyo mas’uuliyiin kale.