Madaxweyne Shariif iyo wafdigii uu hoggaaminayo oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

                     afro_arab_summit_libiya.gif
Magaalada Sirte ee dalka Liibiya shirkii Afro-Arab ee uu ka qaybqalay madaxweynha sh.Shariif iyo wafdigiisa  ayaa dowladaha carabta waxay  u ballan qaadeen dowladda Soomaaliya in bil waliba la siin doono  10-milyan oo dollarka mareykanka ah si ay ammaanka wax uga qabtaan.


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdigii kala qaybgalay Shirkii ka dhacay Sirta ee Afro-Arabayaa oo ka koobnaa wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta dib ugu qsoo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana  garoonka Diyaaradaha ee Aadan cadde  kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan dowladda,kaddib waxaa halkaas kasii galbiyey  gaadiidka Ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka kuwaasoo ku simay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa laga sugayaa inuu si deg deg ah  Ra'iisul wasaare cusub u magacaabo
kaasoo beddeli doono  Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo xilka iska casilay  kaddib khilaaf soo dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha  Sheekh Shariif.

Soo noqoshada madaxweynha iyo ballanqaadka 10-milyan oo dollarka mareykanka bil waliba ayaa timid Ciidamada AMISOM oo wehlinaya kuwa Dowladda KMG oo guulo isdabajoog ah ka soo hooyay dagaalka ay kula jiraan mucaaradka iyagoo fariisimo dhowr ah qabsaday todobaadkii tagay, maantana ciidamada dowladda waxa laga soo sheegay   isgoyska KPP iyo Masaajidka Sheekh Cali Suufi,dhanka kalana waxaa la soo sheegay inay Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin Wadada Wadnaha.

Add New Comment