Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo ku kulmay magaalada Kampala (sawirro))


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa kulan ay kaga wada hadleen xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee saaxiibka ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee dalka Uganda ee magaalada Kampala.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, xiriirka wanaagsan ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, sidoo kale waxa kulanka layskula soo qaaday kaalinta ciidamada dalka Uganda ay ku leeyihiin howlgallada mileteri ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Sidoo kala kulanka ayaa looga hadlay sidii dalka loo keeni lahaa ciidamo dheeraad ah oo ka socdo dowladda Uganda si ay uga qeyb qaataan howlgalada ka socdo dalka maadaama goballo badan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Labada Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Uganda ayaa isku afgartay dhammaanba qodobbadii ay ka wada hadleen, kulankooduna uu guud ahaan ku soo dhammaaday guul.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada kambaala ku sugan mudo seddex maalmood ah halkaas oo uu uga qeyb galayay munaasabadii 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda, waxuuna kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiinti ka qeyb gashay munaasabada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Ameeting.jpg


Add New Comment