Waxa isa soo taraya wararka sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay bilaabeen inay isaga baxaan degaannadii ay gobolka Banaadir kaga sugnaayeen, gaar ahaan degmada Dayniile iyo degaanka xeradii Maslax ee degmada Heliwaa oo xarakaddu ay ku lahayd saldhig muhiim ah.
Xoogagga Al Shabaab ee isaga baxaya goobihii u dambeeyey ee ay magaalada Muqdisho kaga sugnaayeen ayaa waxa lagu soo warramayaa in caawa la arkayey ayagoo wixii qalab ay lahaayeen ku raranaya gaadiidkooda, kuna sii wajahan degaannada loo barakacay ee Ceelasha iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Arrintan ayaa waxa ay timid
kaddib markii maanta iyo shalay Shabaab laga soo saaray aagag ay kaga sugnaayeen degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo ay ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo weerarro saf ballaaran ah ku soo qaaday.
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu maalinimadii shalay mar uu ka qaybgalayey banaanbax lagu diidanaa weerarkii ismiidaaminta ee dhowaanta shabaabku ay ku laayeen dad fara badan oo ku sugnaa xaruntii Hargaha iyo Saamaha ku dhawaaqay in uu dhamaaday in uu dhamaaday waqtigii Shabaab.