Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo maanta gudaha u galay magaalada Kismaayo


KistaB.jpgCiidamada Kenya, dowladda Soomaaliya iyo Raas-kambooni  ayaa maanta gudaha u galay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay maalmihii la soo dhaafay kaga sugnaayeen duleedyada, kaddib markii ay Jimcihii la soo dhaafay magaalada isaga baxeen xoogaggii Al-Shabaab.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa xaqeejiyey inay gudaha magaalada maanta ku arkayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo raxan raxan u socda waddooyinka dhex mara xaafadaha magaalada.

Xarakada Al-Shabaab ayaa maamulka magaalada gacanta ku hayey 4-tii sano ee u dambeysay, hase ahaatee waxa ay isaga baxeen kaddib markii dagaallo xooggan ay uga furmeen qaybo badan oo tirsan koofurta dalka, dagaalladaas oo ay isu kaashanayeen Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka kala socday dhowr dal oo Afrikaan ah iyo weliba kuwo ka socda dalka Ethiopia.


Add New Comment