Nin lagu magacaabo Cumar Shire Xasan ayaa degaanka Gal-Xamuure oo 30 km dhanka bari kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ku gowracay 4 wiil oo sida la sheegay uu asagu dhalay, wiilashaas oo ay da'doodu u dhexeysay 2 - 8 sano jir.
Taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Hiiraan G/Sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in eedeysanuhu uu iskiis isugu soo dhiibay saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne, sheegayna in uu soo gowracay 4 wiil oo uu asagu dhalay.
Ninkan laayey carruurtiisa ayaa kasoo laabtay dalka Kanada oo uu muddo ku noolaa, dadka ku nool gobolka Hiiraan ayaa aad uga naxay arrintan, si weyna isu weydiinaya sababta ninkaani ku kalliftay in uu falkaasi geysto.
Dadka intiisa badan ayaa saadaalinaya in ninkaasi laayey carruurtiisii uu qabo cudur dhinaca dhimirka ah, hase ahaatee si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa falkan arxan darrada ah ee uu ninkaasi kula kacay ilmihiisa.