Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay dibadbax lagu taageerayay xukuumadda isla markaana Baarlamaanka looga dalbanayay in ay
kalsooni siiyaan wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta
Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran oo lagu taageerayay Xukuumadda 10, wasiir ka
kooban ee uu dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
magcaabay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ugu sarreeyo Ra’iisul
wasaaraha dalka, wasiirrada cusub ee aan wali helin kalsoonida, Guddoomiyaha
gobolka Banaadir, Ururrada Bulshada Qaarkood, iyo kummanaan shacab ah, oo isugu
soo baxay garoonka ciyaaraha ee Banaadir.
Fannaaniinta Hobollada Waaberi ayaa ku soo bandhiggay halka uu dibadbaxa ka
socday Heeso lagu taageerayo Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadda, waxaana dadkii
dibed baxan ka qeyb galay dhammaantood ka muuqanayay sida ay ugu faraxsan yihiin
magcaabista golaha wasiirrada,
Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku
hadlayey codka shacabka reer Muqdisho ayaa sheegay in ay ka codsanayaan
Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya in ay tixgaliyaan dareenka shacabka
Soomaaliyeed ee ku aadan helitaanka waxqabadka Xukuumadda Cusub.
Gabagabada Dibadbaxan ayuu khudbad u jeediyay R/wasaaraha dalka Dr. Cabdi
Faarax Shirdoon “Saacid”, waxa uuna tilmaamay in ay ka go’antahay in ay ka
qaadaan Soomaaliya halka ay taallo, isla markaana ay akhristeen dareenka ummadda
Soomaaliya, rajo wanaagsanna uu ka qabo samatabixinta dalka sanadaha soo
socda.
Waa dibadbaxii ugu weynaa tan iyo markii lagu dhaawaaqay Wasiirrada 10,ka ah
ee xukuumadda Soomaaliya ee ka dhaca magaalada Muqdisho, kaasi oo ay isugu soo
baxeen kummaan shacabka caasimadda ku dhaqan oo doonaya in ay muujiyeen
taageerada iyo rabbitaanka wasiirrada kooban ee Xukuumadda.