Qarax bambaano oo caawa ka dhacay degmada Xamar weyne ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac




Qarax bambaano oo caawa lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya  ayaa in ka badan 10 qof ay ku dhaawacantay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay jiraan dad ku dhintay qaraxaasi lagula eegtay ciidankaasi degmada X/weyne ee gobolka Banaadir .


Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxaasi bambaano Ciidamada lala beegsaday inay ka tirsanaayeen Booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Sida ay sheegayaan wararka qaraxan  waxaa uu sababay dhimasho soo gaartay askartii Booliska iyo dadkii rayid ahaa oo u badnaayeen haween ka ganacsanayey qaadka ,sidoo kale waxaa qasaraha qayb ka qaatay qaraxa kadib askartii oo si miir la'aan ah u fureen rasaas,taasoo keentay goobta mar kaliya in lagu kala yaaco.

Dhaawacyada waxaa  la shegayaa inay yihiin ilaa tobaneeyo haween oo ka mid ahaa haweenka qaadka ku iibiya  wadada laamiga ee suuqa Xamar weyne agagaarka Masaajidka Marwaas.

Ganacsiga Xamar weyne oo habeenkii ah mid shaqeeyay ayaa caawa qaraxaas wuxuu ku keenay inuu xirmo oo laguna kala cararo.

Warar kale oo ka imaanaya  waqooyiga magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in caawa fiidkii uu bilawday Madaafiic PM ah oo ciidamada AMISOM ay saf balaaran ugu tuureyso goobaha ay ku tuhmeyso Mucaaradka,sababta keentayna waa ciidamada Al Shabaab oo ku soo dhowaaday fariisimaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin Isgoyska Jubba iyo degmada Boondheere.
 
 
 Xaalada magaalada maanta oo dhan waxay aheyd mid aad u degan ,waxaase  mar qura isdaba qabsaday  Bambooyinka iyo duqeynta PM ka ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho waxaase aan la hubin weli ilaa hadda  qasaaraha ka dhalan doonto waxa laysku tuurayo oo Madaafiic ah.


Add New Comment