Golaha Ammaanka oo muddo 4 bilood ku kordhiyey howlgalka AMISOM


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta muddo afar bilood ah ku kordhiyay muddada joogitaanka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ka wada howlgallada mileteri.

Kulan uu Goluhu maanta oo Arbaco ah ku yeeshay xaruntiisa magaalada New York ee dalka Mareykanka ayuu ku ansixiyay inuu howlgalka AMISOM sii socon karo ilaa bisha March ee sanadka 2013.

Golaha ayaa ka codsaday howlgalka AMISOM in uu qaado dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah ee looga hortagayo halista kooxaha dowladda federaalka la dagaallamaya, isla markaana uu taageero nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale isku raacay in 50 shaqaalaha rayidka ah lagu kordhhiyo waaxda xagga tasiilaadka AMISOM ka taageerta ee Qaramada Midoobay.

Maanta ayay ku ekeyd muddo kordhin toddobaad ah oo Golaha Ammaanka uu toddobaadkii hore ugu daray waqtiga joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.


Add New Comment