Gobolka Banaadir oo sheegay in laga qaaday xayiraad lagu hayay xisaabtooda bankiga dhexe



Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa Maxkamada gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya ka aqbashay codsigiisii ahaa in xayiraadda laga qaado xisaabaadka maamulka gobolka uga furan Bankiga dhexe kaddib markii ay ku cadaan weyday eedeytii ahayd inay lunsadeen Hanti qaran .

Qoraal kasoo baxay, xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka ayaa horraantii bishii hore lagu sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) uu lunsaday hantida qaranka sidaa daraadeedna la hakiyay dhaqdhaqaaqa lacagta u taalla Bankiga dhexe, iyadoo taasi ay keentay in la xayiro dhaqdhaqaaqa xisaabaadka gobolka oo dhan ilaa arrintaasi laga soo hubiyo waxa ka run ah.

Maxkamada gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa ka codsatay bangiga dhexe dib u fasaxo islamarkaana xayiraada ka qaado lacagta u taallo Bangiga dhexe dowlada hoose ee gobalka Banaadir iyadoo Maxkamada ay sheegtay inaysan jirin lacago ay lunsatay dowlada hoose oo wax kama jiraan ay noqotay eedii loosoo jeediyey in maamulka ay lunsadeen lacago

Add New Comment