Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku amray xubnaha ka tirsan
Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku maqan dalka Dibaddiisa iney si deg deg ah
ugusoo xaroodaan gudaha dalka si ay uga qeyb qaataan howlaha Xildhibaannada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari
oo maanta ka hadlay kadib gebagebada kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanku ku
yeesheen xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in
howlaha shaqo ee Xildhibaannada Baarlamaanka ay ka socdaan si dar dar leh
xilgan.
Gudoomiye Jawaari ayaa yiri “waxaad arkeysaan in howlaha shaqo ee
Xildhibaannada ay ku socdaan si dar darleh oo ah sida ay shacbiga Soomaaliyeed
inoo wakiisheen sidaasi darted si ay Xildhibaannadu u gutaan waajibka loo
igmaday waxaan ku amrayaa iney si deg deg ah ku yimaadaan gudaha Dalka
xildhibaannada dibadda ku maqan”
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Xildhibaannada
ku maqan dalka dibaddiisa aysan u dhaaran iney dibadaha wareegaan balse waxa ay
u dhaarteen ay tahay iney shacabkooda u adeegaan waana kuwa ay metelayaan hadii
aysan imaanna laga tashan doonno.
Go’aankan kasoo baxay Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah
go’aan uu ku doonayo in lagu dardar geliyo howlaha Baarlamaanka taasi oo si loo
helo ay lagama maarmaan tahay in Xildhibaannada dibadda ku maqan ay dalka kusoo
xaroodaan.