Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia Tedros Adhanom oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa isla soo qaaday xaaladda amniga gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
Wasiirka arrimaha dibbedda ee dalka Ethiopia Mr. Tedros Adhanom ayaa lagu wadaa in uu maalinta berrito ah ka qaybgalo munaasabadda xiritaanka shirka qaybaha gobollada Jubooyinka maalmahan uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.