Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia oo Muqdisho soo gaaray


Wasiirka arrimaha dibedda dalka Ethiopia Tedros Adhanom ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo munaasabadda lagu soo gabagabeynayo shirweynaha dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka.

Tedros Adhanom iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo dagay garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, ayadoona ay halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyeen wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale.

Ujeeddada socdaalka wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia ayaa waxa lagu sheegay in uu Muqdisho u yimid in uu kulamo la qaato madaxda dalka Soomaaliya, isla markaana uu ka qayb galo munaasabadda xiritaanka shirka magaalada Muqdisho uga socda qaybaha isku haya arrimaha Jubba.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia ayaa waxa uu horey dhexdhexaadiye uga ahaa shirkii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay horey ugu yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, kaasoo ku soo dhammaaday is afgarad, sida ay labada dhinacba sheegeen.


Add New Comment