Midowga Yurub (EU) ayaa soo dhoweeyey ku dhawaaqidda uu ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) maalinimadii shalay ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiirrada xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Taageerada Midowga Yurub ayaa waxa lagu sheegay war uu soo saaray xafiiska ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr.Michele Cervone d’Urso, ayadoona warkaasi lagu caddeeyey in tallaabadani ay tahay mid horey loo qaaday.
Ergayga Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in ay ka war dhowrayaan qorshayaasha dowladda cusub iyo sida uu barlamaanka Soomaaliya ugu codeeyo, ayna kaga helaan codka kalsoonida, asagoona intaasi kaddib caddeeyey sida uu Midowga Yurub u garab istaagi doono dowladda cusub.