Markab dhuxul sida oo ku gubanaayo dekadda Muqdisho



Markab dhuxul u siday dalka isku taga imaaradaka Carabta ayaa dab ku qabsaday dekada weyn ee  magaalada Muqdishu,Dabka ayaa markabka waxa uu ka qabsaday qeybta hoose, waxaana uu dabkaasi ka yimid dhusha uu siday ,kadib markii uu qiiq fara badan uu ka dhashay dabka qabsaday markabka  waxaana gurmad dab damis u sammeeyey gaadiidka dabbdamiska dekedda iyo maraakiibta AMISOM ee joogta dekedda.

 Maareeye ku xigeenka dekada Muqdisho oo ka warbixiyay dabkaasi qabsaday Makabka taagnaa dekedda weyn ee Muqdishu  ayaa waxaa uu sheegay in markabkaani oo siday in ka badan 100 kun oo loor oo dhuxul ah,dalbanai waxa uu ka yilmid isla dhuxusha ku raran Markabk .

Markabkaani 3 maalin kahor  dhuxusha ka soo qaaday dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose,waxaa kaloo la sheegayaa in maerkabkani ay la socdaan shaqaale aad u tira badan.

Waxaana dhowr jeer oo hore dekada magaalada Muqdisho ay ku gubteen maraakiib siday  dhuxul ,Markabka maanta ku gubtay Dekedda lmagaalada Muqdishu qasaraha soo garay weli lama soo sheegin, ganacsatadii u rarnaa iyana  weli wax war ah oo ku saabsan dabka qabsaday Markabka laga haayo.

Add New Comment