Shirka dib u heshiisiinta shacabka deegaannada Jubbooyinka oo maalintii labaad Muqdisho ka socda ayaa looga doodayaa labada qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah, sida nabadgalyo waarta looga dhallinkaro deegaannada Jubbooyinka iyo sida loo Qarameyn karo ciidammada maleeshiyaadka ah ee Duleedka Kismaayo ku sugan.
Shan guddi ayaa loo kala saaray in ay ka doodaan qodobbada lagu heshiinayo, iyadoo guddiyadaas ay kala guddoominayaan guddoomiyeyaal la doortay, shirka guud ahaan waxaa maamulaya wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed.
waxaa hadda soo gabagaboobday qeybtii koobaad ee doodaha shanta guddi ay lahaayeen, iyadoo qeybta labaad halkeeda laga sii wadi doona, waxaana shirka muuqaal ahaan ka muuqanaya is afgarad qodobbada ergada la hor keenay maanta.