Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday dowladda Mareykanka
Waxa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo ay hoggaamineysay kaaliyaha xoghayaha arrimaga dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda Mrs. Wendy Sherman.
Wafdiga Mareykanka ayaa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya xiriirka labada dal, ammaanka Soomaaliya iyo sidii dowladda Mareykanka u taageeri lahayd dowladda Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Garoonka Muqdisho ayaa waxaa si
wadajir ah uwada qaatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka MareykankaWendy
Sherman oo arimo badan kawada
hadlay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in
wafdiga ka socday dalka Mareykanka ay kawada hadleen horumarka ka jira dalka
Soomaaliya iyo sidii loosii ambaqaadi lahaa howlaha Dowladda cusub ee dalka
Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in
wafdiga maanta yimid magaalada Muqdisho ee ka socday dalka Mareykanka ay
noqonayaan wafdigii ugu horeeyay ee soo gaara Magaalada Muqdisho tan iyo markii
lasoo dhisay Dowladda cusub ee dalka Soomaliya.
Ugu dambeyn wafdiga ay
hogaaminaysay Wendy Sherman ku xigeenka kaaliyaha arimaha dibada Mareykanka
ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo markii horeba ay kasoo
dageen.
Tan Iyo markii lasoo doortay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaarayey wafuud caalami ah oo
ka socda dowladaha caalamka kuwaasi oo kulan la qaadanaye Madaxweynaha dalka
Soomaaliya.
Add New Comment
|
|
|