Midowga Yurub ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya siinayaan kaalmo lacageed oo dhan 158 milyan oo oo lacagta Yurub (Euro) taas oo u dhiganta in ka badan 200 oo milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso oo booqasho ku yimid ayaa madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in Midowga reer Yurub ay kaalmadaasi lacageed ugu yabooheen Soomaaliya, si wax loogaga qabto arrimaha ammaanka, dib-u-dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Kaalmadan dhaqaale ayaa noqoneysa tii ugu weynayd ee uu Midowga Yurub siiyto dowlad Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa ay noqoneysaa tii ugu weynayd ee ay dowladda Soomaaliya ka hesho beesha caalamka tan iyo markii ay maamulka kala wareegtay dowladdii hore ee KMG.
Midowga Yurub ayaa guud ahaanba kordhiyey deeqda dhaqaale ee ay siinayaan Soomaaliya, taaso sida la sheegay ay sabab u tahay sida ay raalliga uga yihiin isbeddelladii siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay iyo horumarka laga gaaray dhinaca ammaanka iyo dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab.