Xarakada Al Shabaab oo ku hanjabtay inay weerarayaan caasimadaha Kampala iyo Bujumbura ee dalalka Uganda iyo Burundi




Mas'uul sare oo u hadlay Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa maanta ku goodiyay inay baa’in doonaan shacabka ku nool magaalooyinka  Kampala iyo Bujumbura ee Wadamada Uganda iyo Burundi si ay  uga aargudaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho


Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Mujahidiinta AL Shabaab oo maanta qudbad ka jeediyay gudaha Masjidka Dabaqeynka ee degmada Huriwaa halkaasi oo maanta siminaar loogu soo gaba gabeeyay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa waxaa uu ku hanjabay in Xarakada Al Shabaab ay baaba’in doonaan shacabka Uganda iyo Burundi islamarkaana ay ugu aargudi doonaan dhibaatooyinka ciidamada AMISOM ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.


Odayaasha tababarka loosoo gabgabeeyay ayaa ku dhawaaqayay erayga (Allaahu Akbar ), kaasoo u muuqday inay raalli ka yihiin hadalladii uu sheegayay sarkaalka ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen, oo isaguna ka hadlay xiritaanka tababarkaasi ayaa odayaasha ugu baaqay inay dagaallada socda ka qaybgalaan, wuxuuna xusay in dagaalka oo lagu dhinto ay ka wanaagsan tahay in afka laga dagaalamo.

Add New Comment