Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa ka hadashay warar ay qoreen warbaahinta qaar oo sheegaya in si musuq maasuq ah wasaaradda arrimaha dibadda ay ugu kaxeysay wadama ka mid ah qaarada yurub shaqsiyaad Soomaali ah, iyadoo sheegtay wararkaasi in ay yihiin kuwa dacaayad ah oo sal iyo raad midna laheyn.
Wasiiradda arrimaha dibadda ayaa waxay kula dar daarantay warbaahinta Soomaaliyeed in waxyaabaha ay qorayaan ay ka sheegaan xaqiiqda oo aysan jahwareerin umadda Soomaaliyeed oo hadda u ifaya muuqaal horumarineed, waxaana ay hoosta ka xariiqday warbaahintaasi in ay qoreen in xogheynta wasiirada ay ku dhex dhuumatay wadanka Belgeum-ka oo dhawaan ay kaga soo qeyb gashay shir laakiin taasi ayaa waxa ay ku sheegtay waxba kama jiraan haddana xogheynteeda ay la socoto.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wado horumaro balaaran oo ku aadan iskaashiga caalamiga ah ee uu la yeelanayo dalkeena hooyo, iyadoo aqoonsiyo caalami ah iyo horumaro balaaran oo aan ku tilaabsaneyno wasaaradda ay sii xoojineyso, waxaana arrinkaasi soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida.