Xiriirki diplomasiyadeed ee Soomaaliya iyo Nigeria oo dib loo soo cusbooneeyey


Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada (Villa Somalia) ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda  Nigeria wakiilka uga noqon doona dalka Soomaaliya mudane Akin Oyateru.

Kulanka madaxweynaha iyo safiirka ayaa waxa goobjoog ka ahaa ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiir A.F.Okoh iyo Saraakiil sare oo booliska Nigeria ka tirsan, waxeyna muujiyeen in ay dalkoodu  ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya. Waxaa la ogyahay in kooxaha argagaxisadda ee  Al-Shabaab iyo Boka Haram uu xiriir ka dhaxeeyo .

Dowladda Nigeria ayaa waxa ay qeyb ka tahay dalalka Afrikaanka ah ee dalka Soomaaliya  ciidamada u soo diray, qaybtana ka ah howlgalka AMISOM, ayadoona horey uga qayb qaadatay howlgalkii UNISOM ee sanadkii 1991-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa wuxuu yiri “ Soomaaliya waxey ku soo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagey dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nigeria waxey hadda qeyb ka tahay Ciidamadda booliska AMISOM.

Safiirka Nijeeriya ayaa wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday Madaxweynaha Nijeeriya  mudane Goodluck Jonathan taas oo lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nigeria.

Nigeria.jpg


Add New Comment