Faah faahin: Kulankii Maanta ee Baarlamaanka kaga doodeen mooshinka RW Saacid


Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta bilaabay kulan ay uga doodayaan Mooshinka ka dhanka ah RW Saacid, kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay 248 Xilibaan, waxaana Xilibaanadaas loo qeybiyay Mooshinka ka dhanka ah R/wasaaraha oo ay ku saxiixanyihiin 168 Xilibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, oo kulankaan maanta furay, ayaa ku dhawaaqay in Maalinka berito ah dib loo dhigay kulanka, islamarkaasna ay ka doodi doonaan Mooshinkaasi.

Ugu horeyn ayaa Golaha shacabka, waxaa laha hor aqriyay ujeedada Mooshinka & iyo tirada Magacyada Xilibaanada Soo gudbiyay oo gaaraya ilaa 168 Xilibaan, intaasi kadibna, waxaa hadalo kooban Xilibaanada u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

“Mudanayaal & Marwooyin, waxaa idin horyaala ajando oo ka kooban hal qodob, kaasoo ku saabsan kalsooni kala noqoashada Xukuumada R/wasaaraha, waxaan idinka codsanayaa ajandahaas inaad ansixisaan, waxaad ka dharagsantihiin xaalada adah ee Dadkeena ku suganyihiin iyo kala guurka siyaasadeed ee dalka ku jiro, sidoo kale waxaad si joogto ah u heshaan Warbixinada ku saabsan xaaladaha deegaanada dalka, Golaha shacabka wuxuu astaan halku dhig ah u qaatay codka shacabka, Golaha waxaa looga fadhiyaa inuu ku sifoobo madal wada tashi” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.

“Hadaba aan is weydiino sideen u wajahaynaa Mooshinka, Mooshinka waa arin xasaasi ah, waxaan Xilibaanada ka codsanayaa marka ay ka doodayaan Mooshinkan ineey is weydiiyaan 4 su’aal, Xukuumada maxay ballan qaaday? maxaa loo baahanyahay si loo fuliyo balamadaas? maxay Xukuumadu u Guulo dareysatay ineey qabato? Xukuumada badalaysa maxay uga duwanaaneysaa duruufihii jiray hadii ay sii socodaan maxay qaban kartaa?”.

“Arimaha kale ee aan rabo inaan idinla socodsiiyo waxay tahay in Xilibaan walbo oo raba inuu ka doodo arintaan, in Warqad la’idiin soo gudbin doono uu kusoo qoro Howl-wadeenada idinla jooga si magaciisa marka la aqriyo loogu rido Sanduuqa halkaan la dhigay”.

Xilibaanada is diiwaan galiyay si ay mooshinka uga dodaan, ayaa tiradooda gaareysay ilaa 83 Xilibaan, waxaana arinka ugu weyn ee laysku qabtay inuu uu soconayay shirkii maanta, ayaa ahaa waqtiga la siinayo Xilibaanada ka doodaya Mooshinka, iyadoo dood dheer kadib cod loo qaaday arinkaasi, waxaana mudanayaasha si buuxda isugu waafaqeen, in mudo 3 daqiiqo ah uu Xilibaan walibo doodiisa kusoo koobo.

Kulanka Baarlamaanka maanta oo ay kasoo qeyb galeen, Xilibaanadii ugu badnaa ee ebid kasoo qeyb gala fadhiyada Baarlamanka, ayaaneey suurta galin in dooda Mooshinka la gudo galo, sababo la xiriira waqtiga oo gabaabsi noqday, iyadoo ugu danbeyntiina lagu balamay, in maalinka berito ah sagaalka subaxnimo laysugu yimaado kulan kale.

Maalinnimada berrito ah ayey Mudaneyaasha Baarlamaanka sii amba qaadayaan ka doodista Mooshinkan ayadoo maantana ay isu diiwaan geliyaan ama isku qoreen iney dooda ka qeyb qaataan 83Xildhibaan waloow ay Xildhibaannadu mudo waqti ah ku bixiyeen daqiiqadaha uu Xildhibaanku hadli karo balse ugu dambeyntii ayadoo la fulinayo qodka 31aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka, Farqadiisa 5aad oo uqoran sidan:- “Haddii si kale uusan u go’aansan Goluhu, hadalka xubinta Golaha kama badnaan karo toban (10) daqiiqo,sidaas ayeyna xildhibaannadu isugu raaceen in xildhibaan walba uu hadli karo Seddex daqiiqo.




Add New Comment