Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii la socday oo gaaray magaalada Addis Ababa


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaminayey ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, kaddib markii ay soo dhammeysteen booqasho rasmi ah oo ay ku tageen dalka Jabuuti.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah wasiirka wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa gegida dayaaradaha ee magaalada Addis Ababa kaga hor tagay mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Ethiopia iyo mas'uuliyiin ka tirsan safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Addis Ababa kulamo la yeelan doona madaxda sare ee dalkaasi, kuwaasoo lagu wado inay ka wada hadlaan xiriirka labada waddan iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Add New Comment