Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Xasan (Ciyow) ayaa cambaareeyay dilkii shalay subax guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha loogu gaystay magaalada Muqdisho.
Ciyow ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilka loo gaystay Axmed Nuurre Aw-Diini oo koox hubaysan oo aan la garanayn haybtooda ay ku dhex dishay gurigiisa oo ku yaalla waddada labaad ee suuqa Bakaaraha.
Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska qabtaan waxa uu ugu yeeray “kuwa dulliga ah” ee baabi’inaya aqoonyahannada iyo dadka waxtarka leh ee Soomaaliyeed.
Marxuumka ayaa isla shalay waxaa lagu aasay gudaha isbitaalka Madiina ee magalada Muqdisho.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.