Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ahee Aadan Cabdulle kula kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha wadamada caalamka u fadhiya dalka Soomaaliya.
Kulanka madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa waxa kale oo goob-joog ka ahaa hay'ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo horumarin ahaa hay'adaha dhaqaalaha ee dowladda iyo hagaajinta hanaanka horumarineed ee maaliyadda iyo bankiga dhexe,Waxaana kulankan uu daba socday wada tashiyo maalmahan danbe laga lahaa sidii maamul cusub uu u yeelan lahaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo dhawaan guddoomiyhiisu shaqada ka tagey,iyadoo la isku raacay in maamul KMG ah loo magacaabo.
Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in dhinaca kale madaxwqeynuhu soo hadal qaaday howlaha ay xiligan wadaan barlamaanka soomaaliya gaar ahaan mooshinka laga keenay xukuumadda kaasoo uu xusay inay xaq u leeyihiin,iyagana looga fadhiyo go,aan ka gaaristeeda.
Habka maamulka dhaqaalaha ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha dowlada federaalka iyo kuwa ay ugu deeqaan wadamada caalamku ayey dowladu xil weyn iska saartay horumarintooda si ay meesha u ga baxdo isla xisaabtan la,aan.