Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Jabuuti


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayadoona la sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisu ay booqan doonaan dalalka Ethiopia iyo Kenya oo dhammaantoodba deris la ah dalka Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu dalka kaga baxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo, waxaana socdaalkiisa ku weheliya wasiirka gaashaandhigga mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo xubno kale.

Kaddib markii dayaaraddii madaxweynaha iyo wafdigiiss ka duushay gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dalalka uu booqan doono kala hadli doono xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalkaasi iyo sidii loo sii hormarin lahaa.

Dalalka uu madaxweynuhu booqan doono ee Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya ayaa waxaa dhammaantood dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo ku howlgala qaabab kala geddisan, ayadoo dalalka Jabuuti iyo Kenya ay yihiin kuwo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, halka dalka Ethiopia ay ciidamadiisu gacan siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunnah ee gobollada Galguduud, Hiiraan, Bakool, Baay iyo Gedo.



Add New Comment