Guddoomiyihii ganacsatada Bakaaraha oo toogasho lagu dilay


Koox hubaysan ayaa saaka toogasho ku dishay guddoomiyihii ganacsatada suuqa weyn ee Bakaraaha ee magaalada Muqdisho Allaah ha u naxariistee marxuum Axmed Nuurre Ow Diini.

Wararku waxay sheegayaan in koox baastoolado ku hubaysan ay marxuumka ku weerareen xafiiskiisa, kaddibna ay halkaasi ku dileen isaga iyo nin ilaalo u ahaa.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay durba goobta gaareen si ay u baaraan sida ay wax u dheceen, isla markaana dabagal loogu sameeyo kooxda weerarka gaysatay.

Lama oga cidda weerarka gaysatay, in kastoo weerarrada noocaan ah inta badan la tuhmo inay gaystaan maleeshiyada al-Shabaab oo Muqdisho ka baxday billowgii bishii August ee sanadkii hore.


Add New Comment