Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaadday degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Beled Xaawo ayaa Bar-kulan u sheegay in dagaalka uu in cabbaar ah ka socday gudaha degmada, balse markii dambe dib loo celiyay maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaadday.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Xaaladda degmada Balad Xaawo ayaa caawa deggam, waxaana halkaasi ku sugan ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.