Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane
C/laahi Ciilmooge Xirsi oo isagu dhowaan xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa
sheegay in Wasaaraddu ay dib usoo nooleyneyso Dalxiiskii uu dalku lahaa.
Wasiirka oo maanta ka qeybgalayey barnaamijka Kulanka Jimcaha oo
todobaadkiiba maanta oo kale ka baxa Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho
ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay faa’iidadii uu dalxiisku u lahaa dhaqaalaha
dalka waxaana uu xusay in dhaqaalaha dalka goobaha ugu badan oo uu kasoo galo
dalxiiska si taasi loo helana ay tahay lagama maarmaan in dalxiiska dib loosoo
nooleeyo.
“Dhaqaalaha dalka meelaha ugu badan ee uu kasoo galo dalxiiska ayaa ka mid
ahaa si aan taas u helno oo aan usoo ceshano dhaqaalahaasi islamarkaana uu wax
soo saarka noogu kordho waalagama maarmaan inaan Dalxiiskii dib usoo ceshano
waanna soo celineynaa insha Allah, dadkuna haka faa’ideystaan”ayuu yiri Wasiirka
Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi
Ciilmooge Xirsi.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta yo Isgaarsiinta Xukuumadda
Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed
iney ka faa’ideystaan fursadda maanta la heysto si dalka uu uga gudbo dhibaatada
mudada dheer uu kusoo jiray ayaga oo ka tusaale qaadanaya dalalkii horey
dagaallada ugasoo kasbaday.