Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankooda u horeeyay ku leh Xarunta Madaxtooyada, iyadoo kulankan uu yahay mid albaabada u xiran oo dibad joog ay ka yihiin Warbaahinta.
Sida ay sheegayaan wararka kulankan ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay ammaanka iyo qorshayaasha Xukuumada ee afarta sano ee soo socota.
Kulanka oo ay xaadir ku yihiin dhamaan Golaha wasiirada, iyadoo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Mid ka mid ah wariyeyaasha dibad jooga ka ah kulanka ayaa sheegaya in goor dhow saxaafada looga warbixin doono kulanka ay leeyihiin Golaha Wasiirada.
Golaha Wasiirada ayaa waxaa horyaala howl fara badan, oo ay ka mid tahay ammaanka, iyadoo labadii maalmood ay wasiirada la wareegayeen xafiisyadooda, kadib markii todobaadkii hore si rasmi loo dhaariyay.