Augustine Mahiga ayaa ugu baagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan xukuumadda cusub



Ergayga gaarka ah ee Qramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine ayaa ugu baaqay Barlamanka KMG Soomaaliya inay si deg deg ah  u ansixiyaan xukuumadda cusub ee dhawaan  Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo soo dhisay.

Augustine Mahiga  waxaa uu ku celceliyey hadalkiisa in looga baahanyahay mudanayaasha Barlamanka inay joojiyaan qilaafka u dhaxeeya ee ku aadan habka loo ansixinayo xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay inuu ku kalsoon yahay xubnaha baarlamaanka inay muujin doonaan karti iyo midnimo lana shaqeyn doonaan xukuumadda loosoo dhisay inay samatabixiyo dadka iyo dalka Soomaaliya.


Ugu dambatstii waxa uu caddeeyey dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay aad ugu baahanyihiin mar uun in la dhiso golo wasiiro oo shaqeynaya, isagoo rajo weyn ka muujiyay in dowladda cusubi ay diyaarin doonto tubti loo mari lahaa nabadda soona celin doonto xasiloondii iyo barwaaqadii Soomaaliya.
Arrinta aan soo sheegay waxa lagu gaari karaa  in  Barlamanku  sida ugu dhaqsiyha badan u ansixiyo Xukuumada Cusub si ay kaga faa’iideystaan waqtiga yar ee u harsan, waxaan Xildhibaanada ku boorinayaa in aan waqtiga lagu sii luminin muran iyo sawaxan, balse waa in ay ka faa’iideystaan si loo dar dar galiyo howlaha baaxada leh ee u yaala Barlamanka KMG Soomaliya.

Baaqaas ka soo baxay Augustine Mahiga ayaa imaanaya xili uu fashilmay kullankii lagu waday in Xukuumada KMG lagu ansixiyo, mana cadda in Xildhibaanada qaarkood ay warkaasi dheg maqasho ay leeyihiin,waxa aan sugnaaba waa isusoo noqoshada Baarlamaanka iyo sida ay kaga jawaabaan ammarkaasi ka soo baxay  wakiil ka gaarka ah ee Qramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mudane Augustine Mahiga

Add New Comment