Kulan looga hadlayay dib u dhiska ciidanka oo lagu qabtay Muqdisho


Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay Kulanka guddiga farasmada ciidamada oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay taakuleynta dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta amniga dalka oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga farsamada ciidamada oo ka kooban dowladda, Qaramada Midoobay iyo dowladaha deeq bixiyeyaasha ah ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka ciidamada XDS, saraakiil kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo dowladaha deeq bixiyeyaasha ah.

Wasiirka difaaca Soomaaliya mudane C/xakiim Fiqi oo furay kulanka ayaa ka hadlay hormarka ugu dambeeyay ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amaanka iyo siyaasada.

C/xakiim Xaaji Maxamuud “Fiqi” wasiirka difaaca dalka ayaa tibaaxay in ay ka go’antahay sidii loo soo nooleyn lahaa ciidamo awood badan kuwaas oo dalka ka xoreeya kooxaha xagjirka ah ee shabaab iyo xulufadooda.

MTGM.jpg


Add New Comment