Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ah ka guddoomay safiirka dowladda Austaralia ee Soomaaliya


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo magaalada Muqdisho uga gudoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya ufadhinaya dowladda Austaralia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdigan ka socday dowladda Australia oo uu hoggaaminayay safiiska cusub ee ay dowladdaasi u soo magacaawday Soomaaliya Mr Jeff Touth.

Kulanka uu la qaatay Madaxweyne Xassan Sheekh wefdiga ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka aheyd Ra’iisul wasaare ku xiggeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay ambassador Jeff Touth.

Kulanka ka dhacay xafiiska madaxweynaha kadib ayaa waxaa warbaahinta si wadaji ah ula hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdi Cali C/raxmaan, isagoona sheegay in madaxweynaha, wasiirka arrimaha dibadda iyo wefdiga ay ka wada sheekeysteen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya Australia.

Sidoo kale Ambassador Jeff Touth ayaa tilmaamay in uu yahay safiirkii ugu horeeyey ee 21,sanno kaddib Soomaaliya ay u soo magcaawday Australia, waxa uu intaa raaciyey in ay sii ballaaran doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, isla markaana ay waxyaabo badan ka taageeri doonaan dalkan.

Dowladda Australia ayaa si toos ugu biirtay dalalka soo celiyey xiriirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya kala dhaxeeyay, waxaana kulankii maanta safiirka looga guddoomay warqadihiisa aqoonsiga goob joog ku aheyd wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Soomaaliya oo horey u ballan qaaday in isbaddel cusub oo horumar leh laga dareemi doono xiriirka caalamiga ah ee lagama maarmaanka u ah dal walba.


Add New Comment