Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo maanta kulankiisa u horeyay la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobey ay hoggaminaysay Miss Ridhika



Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey uu hogaaminaysay Haweeneyda Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca ka hortaga caruurta dagaalada loo adeegsado.


Ra’iisul Wasaare Farmaajo iyo wefdiga ay hoggaminaysay Miss Ridhika Coomaraswamy ayaa wadahadalkii ay yeesheen waxaa ay isla meel dhigeen sidii caruurta loo daryeeli lahaa loogana illaalin lahaa in loo adeegsado dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya.

kulankii maanta.jpg
 Ra'iisul Wasaaraha soomaaliya ayaa u sheegay wafdigaasi in dowladdiisu ay xormeyneyso, islamarkaana ay dhowri doonto shuruucda Qaramada midoobay ee ku aadan xuquuqda caruurta, wuxuuna ku shaafiyey in uu sameyn doono xafiis u gaar ah arrimaha xuquuqda aadanaha iyo caruurta, kaasoo si toos ah u hoos imaan doona Xafiiskiisa.
 
 
Wafdigan ayaa kulankoodu markuu soo dhammaaday dib ugu noqday dalka Kenya oo ay markii horey uga soo dhoofeen,Kulankani ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Ra'iisul Wasaaraha Farmaajo uu la yeesho Wafdi ka socda Qaramada Midoobey waxaana uu ku dhammaaday si is afgarad ah.

Add New Comment