Munaasabad tababar loogu xirayay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, tababarkan ayaa waxa bixinayey saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.
Ciidamadan tababarka loo soo xiray ee Soomaalida ah ayaa waxa ay isugu jireen saraakiil, saraakiil-xigeen iyo dabley isugu jiray mileteri iyo boolisba, waxayna tababarka oo socday muddo labo toddobaad ah ku baranayeen farsamada gaadiidka dagaalka, gargaarka deg-degga ah, miino baarista iyo farsamada dhinaca isgaarsiinta ciidamada qalabka sida.
Munaasabaddan oo ahayd mid aad loo soo abaabulay ayey ciidamada tababarka soo dhammeystay ku soo bandhihgeen gaadda ka ciyaar iyo dhoola-tus la xiriira waxyaabihii ay soo barteen muddadii uu tababarku socday.
Waxa munaasabadda ka hadlay taliyaha ciidamada Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ka jooga magaalada Beledweyne G/Sare Cusmaan Nuur Subagle oo ka hadlay waxyaabihii la soo baray saraakiisha Soomaalida ah iyo sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Maxamed Afrax oo ciidamada reer Jabuuti uga mahadceliyey tababarka ay siiyeen saraakiisha ciidan ee Soomaalida ah, sidoo kalena kula dardaarmay in kuwa tababarka soo dhammeystayna ay shacabka uga faa'ideeyaan.