Guddoomiyaha g/banaadir oo xariga ka jaray xarunta iskaashatada gaadiidleyda


Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta dib u howlgaliyay xarunta iskaashatada Gaadiidleyda gobolka taas oo aanan shaqeyn mudadii uu burburka ka jiray dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa xariga ka jaray xarunta iskaashatada gaadiidka gobolka oo aheyd boosteejada ay ka bixi jireen gaadiidka isaga kala goosha dagmooyinka gobolka Banaadir.

Tarsan oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in wixii ka dambeeya hada goobtaasi laga bilaabidoono howshii ay horay loogu qabanjiray, isagoona xusay in la keeni doono ciidamada ilaalada deegaanka kuwaas oo qeyb ka ah soo celinta howsha dowladda hoose ee Xamar.

Dhanka kale duqa magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka uu kasoo qaaday ciidamadii ilaalada deegaanka ee canshuurta ka qaadijiray isgoyska Ex-koontarol Afgooye wixii maanta ka dambeeyana ay ka howlgali doonaan gudaha magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday howlo lagu hormarinayo gobolka isla markaana dib loogu soo celinayo adeegyadii dowladda hoose ay u haysay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.


Add New Comment