Dayuurado dagaal oo lagu arkay hawada degmada Baraawe


Dayuurado dagaal oo aan heybtooda la garaneyn, kuna duulayey joog hoose ayaa xalay iyo saakay guuxooda laga maqlayey, laguna arkay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dayuuradahan oo ku duulayey joog aad u hooseeya ayaa cabsi ku abuuray dadka ku nool degmada Baraawe, waxaana soo baxaya warar sheeegaya in dadka rayidka ah qaarkood ay durbaba bilaabeen inay halkaasi isaga qaxaan, ayagoona ku sii jeeda degaannada miyiga ah ee ku dhowdhow degmada.

Degmada Baraawe ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo weli ku harsan gacanta Ururka Al-Shabaab, kaddib markii ay isaga soo baxeen inta badan degmooyinka gobolkaasi oo ay ku jirto xarunta gobolka ee magaalada Marka.

Ma jirto cid sheegatay lahaanshaha dayaaradahaasi dagaal ee lagu arkay Baraawe, sidoo kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-Shabaab ee gacanta ku haaya maamulka degmada Baraawe.


Add New Comment