Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula yeeshay
wasiirradii hore ee dowladdii KMG aheyd, kaasi oo ku saabsanaa sidii loo
ballaaran lahaa wada shaqeynta Xukuumadda Cusub iyo midii hore, isla amrkaana
loogu mahadcelin lahaa Xukuumaddii hore.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay wada
qaateen golaha wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golahii
wasiirrada Xukuumadda KMG aheyd ee dalka ka soo howlgashay,ayaa waxaa shir
guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid”.
Dhammaadka kulan kaddib waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay wasiirka
Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi
Ciil Mooge iyo wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo
Isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn.
Mudane C/qaadir Jahweyn wasiirka hore ee wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay
in u jeedka kulanka uu ahaa isbarashada wasiirrada cusub iyo kuwii hore isagoona
intaasi raaciyay in warbixino ay kala dhageysteen isla markaana amaan loogu soo
jeediyay Xukuumadda KMG aheyd.
Sidoo kale wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta C/llaahi
Ciil Mooge Xirsi ayaa hoosta ka xariiqay in kulankii maanta loogu mahadceliyay
Xukuumaddii dalka ka soo shaqeysay mudadii KMG lagu jiray, isla markaana looga
codsanayay wasiirradii hore in ay wada shaqeyn joogto ah la yeeshaan
masuuliyiinta cusub ee Xukuumadda, iyagana ay ku dadaallayaan in ay si cad uga
soo baxaan masuuliyadda ay umaddooda u qaadeen.
Kulankii maanta ay Muqdisho ku yeesheen wasiirrada cusub iyo kuwii hore ayaa
ka turjumaya hannaanka dalka ka hana qaaday ee dhinaca dimoqoraadiyadda ah,
taasi oo muujniseysa wada shaqeynta masuuliyinta dalka ee iminka iyo madaxii
hore.