Maxamed dheere Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Muqdisho


Allaha U naxariistee Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo shalay ku geeryoodey Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Qabuuraha Sheekh Suufi ee Degmada Wardhiigleey .

Aaska Qaran ee Loo Sameeyey Marxuum Maxamed dheere ayaa waxaa ka soo Qeyb galay Mas’uuliyiin iyo Madax Fara badan Oo mataleysey Qeybaha kala duwan ee Dowladda .

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa mas’uulyiintii ka soo qeyb gashey Aaskaasi heerka qaran ah oo halkaasi kalimaad ka dhahay ayaa waxa uu ugu horeyn tacsi u direy Qoyskii , Eheladii , iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeryoodey Allaha u naxariistee maxamed Dheere .

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamey maxamed dheere in uu ahaa nin geesi ah isla markaana halgan usoo galay Ka Qeyb qaadashada soo celinta amnigii iyo kala dambeyntii dhanka kale Xildhibaano iyo Mas’uulyiin kale oo ay isla soo shaqeeyene Maxamed dheer oo ka Hadley halka uu aaska ka dhacayey ayaa sheegey in maxamed dheeri uu ahaa nin dowr weyn ka soo cayaarey Siyaasada Soomaaliya

aaska.jpg


Add New Comment